Welcome To Yardimeli Hospital

Opening Hours : Saturday to Friday- 7am to 5pm
  Contact : +252-619484840

All Posts in Category: Careers

Job

Nurse Specialist (5 Vacancies)

Waqtiga ugu dambeeya codsiga. June 23, 2019 Axad 4:00 PM (Galabnimo) ama 16:00

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan shaqadoonayaasha qeybta caafimaadka in isbitaalka Yardimeli Hospital ay ka banana tahey shaqo  kalkaaliye caafimaad.

Arji qabashadu waxay bilaabaneysaa June 22 2019 kuna egtahay June 23, 2019 Axad.

Shuuradaha laga doonayo codsadaha.

  1. Shahaado Jaamacadeed gaar ahaan Bachelor of Nurse
  2. In uu jamacada kasoo baxay 2016-2017 iyo wixii ka horeeyay
  3. Waa in uu leeyahay qibrad shaqo oo Nurse ah ugu yaraan Sanad
  4. Waa in uu wakhti walba shaqeyn karo gaar ahaan Habeenkii kana shaqeynkaro Qeyb-kasta
  5. Imtixanka qoraalka ah waxaa laqabandoonaa June 28,2019 Jimce, Hall-ka Imtixaanaadka ee Yardimeli Hospital 9:00 Am Subaxnimo
  6. Ciddii kusoo baxda imtaxaanka qoraalka ah waxay gali doonaan Qiimayn iyo shaqo ku kontaroolid shaqo muddo 7-bari kusiman, kana bilaabanaysa Jun 29, 2019 

Waqtiga oo yar dartiis ciddii liiska gaaban kusoo baxda uunbaan lasoo xariiri doonaa

Waxaad Codsigaaga iyo arjigaaga shaqo kusoo hagaajin kartaa Xafiiska shaqada iyo shaqaalaha ee Yardimeli Hospital

Mahadsanidiin

Read More

Jago Bannaan – Dhakhtar

Ujeeddo: Jago bannan

Ciwaanka jagada: Dhakhtar

Waqtiga ugu dambeeya codsiga : 7.12.2018

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan shaqo doonayaasha bahda caafimaadka in Isbitaalka takhasusiga ah ee Yardimeli Specialist Hospital uu ka bannan yahay boos dhakhtar, arji qabashadu waxay bilaabanaysaa 1.12.18. kuna eg tahay 7.12.18.

Shuruudaha laga doonaya qofka buuxinaya booska/jagada bannaan waa sida hoos ku xusan:

  • Inuu yahay Somali kuna hadlo afka soomaaliga
  • Inuu haysto shahaado jaamacadeed
  • Inuu ka soo shaqeeyey isbitaal ugu yaraan muddo saddex sano ah
  • Inuu diyaar u yahay inuu qabto hawl kasta oo isbitaalku u igmado shuruud la’aan
  • Inuu yaqaan luqadda ingiriisiga (qoraal iyo akhris intaba)
  • Inuu isticmaali karo computerka aqoonna u leeyahay Microsoft Office (or equivalent program) iyo hospital management system

Waxaa codsiga shaqo iyo taariikh nololeedka (CV) lagu soo hagaajinayaa xafiiska shaqada iyo shaqaalaha (HR-D) ama waxaa lagu soo diri karaa emailkan: hrm@yardimelihospital.so

Mahadsanidiin

Read More